|
Komishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey inay Bedelayaan Kaadhadhkii Hore ee Diiwaangelinta
Hargeysa.09.March-(HCTV)-2010-Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa markii ugu horaysay shaaca uga qaaday inay soo saari doonaan kaadhadh cusub oo lagu geli doono doorashada madaxtooyadda ee la filayo inay dalka ka dhacdo, iyadoo la bedeli doono gebii ahaanba kaadhadhkii hore, oo ay ka codsadeen dadku inay soo xareeyaan. Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Maxamed Axmed Ciise (Geelle), oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Komishanka, ayaa daboolka ka qaaday marka la dhammaystiro kala shaandhaynta macluummaadkii codbixiyayaashii hore loo diiwaangeliyey inay waddaan qorshe lagu sammaynayo kaadhadh cusub oo lagu geli doono doorashada, kuwaasoo ay qaadan doonaan dadka liisaskoodu ku soo baxaan xarumihii ay iska diiwaangeliyeen ee uu Server-ku ansixiyo. isagoo arrimahaas ka hadalayana waxa uu yidhi "Waxaad maqasheen ama dadwaynuhu maqlay in la bixinayo kaadhadh cusub oo lagu footeeyo, waa xaqiiqo jirta arrintaasi, hore ugamaanaan waramin arrintaas Komishan ahaan, sababta aanu uga waramiwaynayna waxa weeye xeerka inoo yaala ayaa waxa uu dhigayaa, Komishanka ayaa bedeli kara oo soo saari kara kaadhadhka iyaga oo la tashanaya wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka. Inta aanaan dadwaynaha u soo bandhigin ayaanu la tashanay wasaaradda arrimaha gudaha iyo xisbiyada qaranka. Isla markaana waxaanu sugaynay kharashkii lagu soo daabacayo kaadhadhka. Marka la safeeyo diwaanglintii codbixiyayaasha ee inaga xumaatay, marla la inoo soo saaro liiska saafiga ah ee soo baxa ayaa la siin doonaa kaadhadhka cusub, waxaanuna gayn doonaa goobihii hore ee laga codeeyay." Maxamed Siciid HCTV Hargeysa Af-hayeenku mar uu ka hadlayay halka ay marayso hawsha kala shaandhayta odbixiyayaasha doorashooyinka, waxa uu sheegay ina hawshu weli bilow tahay oo ay jiraan qaladaad aanu mashiinku sixi karin, oo gacanta loola tegayo. "Waxa kale oo jirtay arrinta Serverka oo dadku is waydiiyaan tolow wax ma ka soo baxayaan, waxaan hore idiinku sheegnay in aanu gogol dhig u samaynayno Serverka, waayo aqalka marka la dhisayo seeska ayaa laga soo bilaabaa. Iminka uun baa tallaabadii ugu horaysay la qaaday oo hawshiisii la galay, laakiin waxa jira khaladaad kale oo aanu soo saari Karin Serverku. Waayo mishiinku ma garan karo, taasna waxaa la doonayaa in loola tago gacan dad oo indhaha lagu eego, waayo Serverku ma akhriyi karo sawirada soo noqnoda, Waxa jira dhawr iyo sagaashan kun oo Serverku hore u akhiriyi kari waayay ayaa jiray, tiradaasina waxay noqotay tiro aad u badan oo aan la wada tuuri Karin. " ayuu yidhi Maxamed Axmed |